Advertisements
Advertisements

Man United oo ku garbineysa Liverpool saxiixa Christian Pulisic

Waxaa lagu soo warramayaa in Manchester United ay gashay loolanka laacibka Dortmund Christian Pulisic, kaas oo ay dooneyso Liverpool.

19 jirka xiiso badan ayuu Yurub oo dhan ka helay tan iyo markii uu safka hore ee BVB soo galay, waxa uu 19 jeer oo uu matalay u dhaliyey 3 gool.

Sport Bild waxa uu warisay in Pulisic uu xiiso joogta ah ka helayo dhinacyada England.

Liverpool iyo Manchester United ayaa ku dagaalami doona saxiixiisa walow ay tartan kala kulmi karaan Bayern Munich oo iyana rabta xiddigga reer Mareykan.

Dortmund qarashaad badan ayey ku iibi doontaa Pulisic, maadama da’yarka loo arko in uu suuq wacan ka abuuri doono Mareykanka.

Xiddigga hore shan sano ayuu England ugu noolaa isaga oo soo matalay Brackley Town.


Fikradaha Akhristayaasha (0)