Advertisements
Advertisements

Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle oo ansixiyay hindise sharciyeedka Maaliyada

Talaado, Feb, 6, 2018(HNN) Golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle ayaa maanta  ansixiyay  hindise sharciyeedka maaliyada, xeerka daqliga iyo xeerka maareynta maaliyada Dadweynaha kadib kulan ay ku yeesheen magaalada jowhar ee xaruunta gobolka shabeellaha dhexe, waxana kulanka shir gudoominayay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Xuseen Guudlaawe.

Xubnaha Golaha wasiirada  Hirshabeelle ayaa cod gacan tag ah ku ansixiyay saddexda hindise sharciyeed ee ay soo diyaarisay wasaarada maaliyada dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Wasiirka maaliyada dowlada goboleedka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in saddexdan hindise sharciyeed ee maanta ay ansixiyeen golaha wasiirada  loo gudbin doono baarlamanka Hirshabeelle si ay u ansixiyaan.

Golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle ayaa horey u ansixiyay hindise sharciyeedka dowladaha hoose  oo ay soo diyaarisay wasaarada arrimaha gudaha  Hirshabeelle.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)