Advertisements
Advertisements

Jeenyo oo gaartay guushii ugu horreysay ee Somalia Premier League

Naadiga Jeenyo ayaa gaartay guusheedii ugu horreysay ee Somalia Premier League kaddib markii ay gool madi ah ku qaarijisay kooxda Gaadiidka.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0.

No automatic alt text available.

Markii la isugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha ayay u muuqatayba sida mid ku dhammaan doonta bar baro goolal la’aan ah.

Balse Jeenyo ayaa dhammaadka ciyaarta heshay goolka qura ee ciyaarta waxaana u saxiixay saxiixooda cusub ee Cabdulaahi Nuur Agoogo.

Guusha ayaa ka dhigan inay tahay tii ugu horreysay ay Jeenyo gaarto xilli ciyaareedkan oo labaadii kulan ay horey u soo ciyaartay waxay soo wada gashay bar baro, balse iminka waxay soo fariistay kaalinta labaad ee horyaalka oo waxaa ka sarreeya naadiga Dekadda oo xafidaneysa horyaalka.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/

Xigasho GoolFM.


Fikradaha Akhristayaasha (0)