Advertisements
Advertisements

Natherlands oo xaqiijisay in Ronald Koeman yahay tababaraha qaranka

Ronald Koeman ayaa loo xaqiijiyey in uu yahay tababaraha xulka qaranka Netherlands.

Koeman oo ay bishii Oktoobar eriday Everton ayaa xilka kala wareegaya Dick Advocaat waxa uuna saxiixay afar sano oo qandaraas ah.

Heshiiskan ayaa diiradda saaraya sidii ay Holland ugu soo bixi lahayd koobka qaramada qaarada Yurub ee 2020-ka kaddib markii ay ka hareen koobka aduuka ee Russia ka dhici doona xagaagan.

Hase ahaatee, shaqadiisa ugu soo horreysa ayaa ah in uu ku hogaamiyo xulka kulamada saaxiibtinimo e Portugal iyo England bisha Maarso.

Koeman oo xittaa England ku soo leyliyey Southampton ayaa macallin u soo noqday Ajax, Benfica Valencia.


Fikradaha Akhristayaasha (0)