Advertisements
Advertisements

Xiddigaha Chelsea oo Guryahooda loo diray kaddib guul daradii xalay

Kaddib jabkii xalay, Antonio Conte ayaa guryahooda u diray xiddigaha Chelsea isagoona siiyay fasax saddex maalmood ah si ay maskaxda u soo dajiyaan tamar cusubna u soo gasho.

Blues ayaa waxaa soo gaaray guul daradii labaad oo xiriir ah Premier League kaddib markii ay Watford kaga adaatay 4-1, taa oo ka dhigan in todobo gool laga xareeyay Chelsea wax todobaad ka yar.

Tababaraha uu cadaadiska xoogan saaran yahay ee Conte ayaa kol hore qiray in ciyaartoydiisu ay shaqo dheeraad ah sameeyaan maadaama saddexdii maalinba ay kulan ciyaarayeen.

Sidaa darteed wuxuu go’aansaday inuu fasax dheeri ah siiyo sababo la xiriira jadwalkooda mashquulka badan leh aawadii.

Antonio Conte's Chelsea were beaten 4-1 by Watford at Vicarage Road on Monday night

Ma soo xaadiri doonaan ilaa laga gaaro Jimaha kolkaa ay isku diyaarin doonaan kulanka muhiimka ah ay Premier League la ciyaari doonaan West Brom.

Chelsea ayaa waxaa jabsaday dhaawacyo is daba joog ah oo waxaa hal mar shaxdooda dhaawacyo muruqa ah ka wada gaaray sideed laacib.

Conte ayaa rajeynaya in fasaxa dheeriga ah uu siiyay xiddigihiisa ay dib isugu soo cusbooneysiiyaan isla markaana ay jirkooda nasiino soo siyaan.

Blues ayaa 20-ka bisha sidoo kale la ciyaari doonta Barcelona lugta hore ee wareega 16-ka Champions League.

Xigasho GoolFM.


Fikradaha Akhristayaasha (0)