Advertisements
Advertisements

Cabdiraxmaan: Golaha Amniga qaranka waxaan u sheegeyna in dalka usan laheyn Taliye Nabad sugid iyo Boolis

Arbaco, Feb, 7, 2018(HNN) Siyaasiga Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in dalka aanu laheyn seddex bilood ka badan Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida, iyadoo Muqdisho ka socdo shirka Golaha Amniga Qaranka ee Madaxda dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Hey’addaha Amniga.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa sheegan in Shirka Golaha Amniga Qaranka ay ka sugayaan in Xukuumadda u sheegaan in dalku aanu seddex bilood ka badan uusan ahaan karin Taliye Nabadsugid iyo Boolis la’aan.

“Shirka Golaha Amniga Qaranka waxaan ka sugaynaa in ay xukuumada u sheegaan in dalku sedex bilood ka badan uusan ahaan karin taliye Nabadsugid iyo Boolis la’aan. Waana in ay yihiin kuwa sharciga dhowra, danbiyana horay u soo gelin”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay uga fadhiyaan in la baaro cidii ka dambeysay weerarkii 17 bishii December ee sanadkii hore lagu qaaday xarunta Xisbiga Wadajir iyo shantii ruux ee lagu dilay.

Ugu dambeyntii Dhamaadkii Todobaadkii hore ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in la magacaabayo Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida, hase ahaatee Madaxda dowladda ayaa isku afgaran waayay cida loo xusho xilalkaas banaan.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)