Advertisements
Advertisements

Akhriso: liiska 10-ka tababare ee ugu mushaarka badan adduunka

Wargayska AS ayaa daabacay liiska 10-ka tababare ee ugu mushaarka badan adduunka, waxaana hogaaminaya tababaraha Man City ee Pep Guardiola.

Pep ayaa ka sareeya tababare Jose Mourinho tartanka horyaalka ingiriiska, kooxdiisa ayaana ka saraysa Man United 13-dhibic oo nadiif ah.

Intaas oo kaliya laguma garaacin tababaraha reer Portugal ee sidoo kale waxaa lagu garaacay mushaarka tababare walba uu ka helo kooxdiisa sanadkii.

10-ka tababare ee ugu mushaarka badan adduunka, 7-kamid ah waa tababareyaasha horyaalka ingiriiska, halka 2-kamid ah ay yihiin tababareyaasha horyaalka Spain, Italy hal tababare ayeey ku leedahay.

Liiska 10-ka tababare ee ugu mushaarka badan adduunka (Qiimuhu waa Euro):

1: Pep Guardiola (Manchester City) mushaarkiisu waa 19 milyan.

2: Jose Mourinho (Manchester United) mushaarkiisu waa 16 milyan.

3: Diego Simeone (Atletico Madrid) mushaarkiisu waa 15 milyan.

4: Arsene Wenger (Arsenal) mushaarkiisu waa 10 milyan.

5: Zinedine Zidane (Real Madrid) mushaarkiisu waa 9.5 Milyan.

6: Jurgen Klopp (Liverpool) mushaarkiisu waa 8.3 milyan.

7: Antonio Conte (Chelsea) mushaarkiisu waa 7.8 milyan.

8: Massimiliano Allegri (Juventus) mushaarkiisu waa 7 milyan.

9: Mauricio Pochettino (Tottenham) mushaarkiisu waa 6.6 milyan.

10: Rafa Benitez (Newcastle United) mushaarkiisu waa 5.4 milyan.


Fikradaha Akhristayaasha (0)