Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Generaal Mukhtaar oo qeyb ka mid ah Mushaarkiisa ugu deeqay Agoonta Ciidamada Booliiska

khamiis, Feb, 8, 2018 (HNN) kulan ka khamiis laha ee Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay xaruunta Agoonta ciidamada Booliska ee magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

shirkan ayaa waxaa ka qeyb  galay ku simaha taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya ahna Taliye ku xigeenka  Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xildhibaano, Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya iyo caruurta agoonta ee ku jira xaruuntan.

Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay in qeyb ka mid ah mushaarkiisa ku caawinayo caruurta agoonta ee ku jirta xaruuntan islamarkana wax kaste oo ay u baahan yihiin ay diyaar ula yihiin.

” Xaruunta maanta aan joogno waxaa lagu dhisay lacag ay iska ururiyeen ciidamada iyo saraakiisha booliska,markastana waxaan diyaar u nahay inaan  garab istaagno caruurta agoonta,aniga lacagta mishaarkeyga qeyb ka mid ah ayaan ku caawina caruurtan si loo dhiri galiyo ayuu’yiri Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax.

ku simaha Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa wada daadalo lagu dhiri galinayo caruurta agoonta iyado dhawan caruurtan loo dhisay xaruun lagu daryeelo.

Raxma Yuusuf Jimcaale.

Hiilnews.com

Muqdisho.


Fikradaha Akhristayaasha (0)