Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Xuska 8 Feberaayo Oo Loo Badalay Bixinta Adeegyo Kala Duwan.

khamiis, Feb, 8, 2018(HNN) Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta xoolo nool iyo raashin ku wareejisay ciidamada xoogga dalka  xili maanta ay ku beegan tahay sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo 8-dii Feberaayo 2017-kii.

Saldhigyada iyo furumaha  ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda ayaa la geeyay xoolo nool iyo raashin kuwaaso loo qeybiyay ciidamada si loogu dhiri galiyo.

Dhanka kale hareeraha jidadka magaalada Muqdisho ayaa maanta laga dhisay teendhooyin  lagu xardhay sawirka madaxweynaha dowladda federaalka mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo islamarkana lagu bixinayo adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah.

Dadka dan yarta ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa saf dheer u galay  adeegan caafimaad ee lacag la’aanta ah islamarkana lagu maamuusayo sannad guurada koowaad ee ka soo wareegtay markii la doortay madaxweyne Farmaajo.

Wararka qaar ayaa sheegay in dowladda ay baajisay munaasabado lagu xusi laha sannad guurada koowaad ee dowladda islamarkana  loo weeciyay kharashkii ku bixi lahaa in wax loogu qabto bulshada.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)