Advertisements
Advertisements

Tababaraha la doonayo in lagu badelo Zidane oo la ogaaday

Zidane ayaa sida uu qudhiisa qirtay qarka ka lulanaya oo aad loo saadaalinayaa in kooxda laga ceyrin doono.

Maadaama ay dhimatay rajadooda La Liga, isla markaana laga soo ciribtiray Copa Del Rey waxaa lagama maarmaan ah in la badelo Macallinka kooxda.

Macallinka xulka Jarmalka Joachim Low ayaa ugu cad cad inuu xilka Madrid ka badeli doono macallinka reer France.

Dhabtii Zidane waa tababarihii ugu horreeyay Taariikhda ee laba Champions League oo is xiga koox u qaada balse Los Blancos uma muuqata mid waxaas tix galin doonta.

Tababarayaasha u sharxan oo lala xiriirinayo xilka camaaliqada Spain ayaa waxaa ka mid ah midka Napoli Maurizio Sarri.

Yeelkeede, Jariiradda Mundo Deportivo ayaa warineysa in Madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez uu doorbidayo Joachim Low.

Perez ayaa aad ula dhacsan howsha hufan uu Low ka qabtay xulka Jarmalka wuxuuna doonayaa inuu midaa oo kale ka qabto kooxda ka dhisan caasimadda Spain.

 Xigasho Gool FM.


Fikradaha Akhristayaasha (0)