Advertisements
Advertisements

War murtiyeed Lagu Wado In Laga Soo Saaro Shirka Amniga Qaranka

khamiis, Feb, 8, 2018(HNN) Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa maanta lagu wada in lagu soo gaba gabeeyo shirka golaha amniga qaranka oo labo maalin ka hor ka furmay xaruunta madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkana aya waxaa ka qeyb galaya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira,waxana sido kale goob joog ka ah  saraakiisha ciidamada dowladda.

Qodobada shirkan looga hadlayo shirkan ka socda muqdisho islamarkana lagu wado in la soo gaba gabeeyo ayaa waxaa ka mid ah xasilinta guud ahaan amaanka dalka, iyo sidii loo xoojin laha xirirka ka dhexeya ha’yadaha heer federaal iyo heer maamul goboleed.

Shirkan ayaa galinka dambe ee maanta lagu wada in laga soo saaro warmurtiyeed ka kooban dhowr qodob islamarkana ay isku afgarteen xubnaha ka qeyb galay shirka.

Kulanka ayaa ah kii 6-aad  ee ay yeeshan golaha amniga qaranka tan iyo markii lagu dhawaaqay, kaaso ay ku mideysan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)