Advertisements
Advertisements

SAWIRRO: Madaxweyne Waare iyo Xildhibannada laga soo doortay Hirshabeelle oo hal arin isku afgartay

Jimco, Feb, 9, 2018(HNN) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirsahebelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka qaar ka mid Xildhibaanada Aqalka Hoose iyo Aqalka sare ee Hirshabelle ku matala Dowladda Federaalka ah ee Soomaliya.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare  ku wehlinayay  Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada  Hirshabelle.

Madaxweynaha iyo Xildhibaannada  ayaa  ka wada hadlay arrimo kale duwan oo quseeya Qaranimada Soomaaliya iyo Howlaha horyaala Hirshabelle iyo Sida lagama maarmaanka ay u tahay in la iska kaashado horumarinta dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Intii kulanka uu socday ayaa waxa sidoo kale ay iska xogwareysteen Xaaladaha amni iyo mida bulsho  ee deegaanada Hirshabelle, iyo in Xildhibaanada labada aqal ee laga soo doortay Hirshabelle in ay u midoobaan horumarinta iyo dhisida dowlad goboleedka si dhowna ay ula shaqeeyaan maamulkani.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare  ayaa Xildhibaanada u faah faahiyay mudada Xafiiska uu joogo waxyaabaha u qabsoomay caqabadaha jira, iyo qorshayaasha maamulka u degsan bilaha soo socda, waxaana uu ugu baaqay Xildhibaannada in doorkooda ee ah u shaqeynta bulshada ay matalaan ay qaataan.

Sidoo kale qaar ka mid Xildhibaanada ayaa gaba gabadii kulanka u faah faahiyay Madaxweyne Waare Socdaal dhowaan Deegaanno ka tirsan Hiiraan ay ku tageen,  iyagoo hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in la xoojiyo Wada shaqeynta iyaga iyo Madaxweynaha, waxaana ay cadeeyaan inta badan in ay soo booqan doonaan Deegaanada Hirshabelle oo ay matalaan islamarkana  ay kala shaqeyn doonaan maamulka horumrinta iyo dhisida Dowlad Goboleedka, waxaana ay kaga Mahadceliyeen Madaxweynaha Warbixintaasi faah faahsan uu ula wadaagay Xildhibaanada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galaya shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ee ka socda, Xamar waxaana sidoo kale uu kulamo kula qaatay qaar ka mid diblomaasiyiinta beesha Caalamka kuwaa oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin horumarinta Hirshabelle.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)