Advertisements
Advertisements

Labada Koox ee ugu Awooda badan waqtigan waa….”.- Lionel Messi

Lionel Messi ayaa daaha ka rogay labada koox uu waqtigan u arko inay ugu shidan yihiin Yurub isagoona booska ka saaray kooxda ay coltamaan ee Real Madrid.

Xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa Manchester City iyo PSG u arka labada koox ee waqtiga ugu fiican.

“Manchester City waa mid ka mid ah kooxaha ugu awooda badan sidoo kale PSG,” Messi ayaa sidaa yiri.

“Sidoo kale meesha kama saarayo Real Madrid dhanka tayada iyo khibrada  inkastoo aysan weli ku guuleysan natiijooyinkii laga filayay.

“Intaa kaddib waxaa joogta Bayern Munich, waa koox kale oo wayn oo ciyaari doonta ilaa dhammaadka, yeelkeede kuwa ugu fiican waa PSG iyo Man City.”.

 Lionel Messi and Neymar were team-mates at Barcelona until summer

Dhanka kale Lionel Messi ayaa sheegay in kooxdiis Barca ayba fiicnaatay markii uu ka tagay Neymar, wuxuu qiray inay lumiyeen weerarkoodii xooganaa balse wuxuu sheegay inay daafaca iska hagaajiyeen isla markaana ay kooxdu heshay isku dheeli tirnaan markii uu ka tagay wiilka reer Brazil.


Fikradaha Akhristayaasha (0)