Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: kulan Wadatashi ah oo ku saabsan dib u eegista dastuurka oo lagu qabtay Garoowe

Isniin, Feb 12, 2018 (HNN) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo xubno ka tirsan Gudigga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Gudigga Madaxa banaan ee Dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka  oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa  kulan wadatashi ah la qaatay Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad iyo Gudigga Joogtada ee Golaha Wakiilada Puntland.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa yiri’ Wasaaradda iyo Labada Guddi aragti mideysan ayay ka leeyihiin hawsha Qaran waxaanan dooneynaa in aragtideena aan la wadaagno dhamaan Dawlad Goboleedyada si inaga oo gacmaha is heysanna aan guul uga gaarno Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka, ujeedada kulankan wadatashiga ahna waa inaan Golaha Wakiilada Puntland aan la wadaagno tubta aan ku gaari lahayn dhameeystirka Dastuurka” ayuu yiri Avv Xoosh.

Dhanka kale, Gudoomiyayaasha labada Guddi Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Kaamil ayaa waxay si wadajir ah uga hadleen muhiimadda Dib-U-Eegista Dastuurka.

Ugu dambayn, Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan ayaa ballanqaaday in Golaha Wakiilada Puntland ay doorkooda ka qaadan doonaan Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)