Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Xoghayaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Xoghayaasha 17 ka degmo ee Banaadir

isniin, Feb 12, 2018 (HNN) Xog-hayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir  Cumar Cabdirisaaq Xuseen ayaa Maanta kulan la qaatay Xog-hayayaasha maamulka  17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir.

Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen Xoghayaha Guud ee Gobolla Banaadir ayaa kulan uu Maanta la qaatay Xoghayaasha Degmooyinka ayaa ahaa dmid Isbarasho iyo Xog-wareysi ah, kaas oo Xog-hayayaasha Degmooyinka kaga Warbixiyeen Xariirka wada shaqeyn ee ka dhaxeeya iyaga iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo Howlaha ey Xog-hayaasha ka qabtaan degmooyinka ay masuulka ka yihiin.

Xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa kula dardaarmay dhamaan  xubnaha ka qeyb galay kulanka inay gutan waajibaadka iyo howlaha hor yaala islamarkana ay u adeegan buIshada.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)