Advertisements
Advertisements

Gaari Xamuul ah oo Miino kula qaraxday duleedka Magaalada Balcad.

Isniin, Feb, 12, 2018(HNN) Wararka ka imaanaya gobolka shabeellaha dhexe ayaa sheegay in gaari xamuul ah miino kula qaraxday duleedka magaalada Balcad.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay darawalkii waday gaariga, waxana ku dhawacmay kaaliyihii darawalka.

Dhawaca iyo meydka  ayaa loo qaaday magaalada Balcad ee gobolka shabeellaha dhexe oo markii hore ay ka tageen.

Ciidamada dowladda iyo kuwa midowgga Afrika ayaa dhowr mar deegankan haan shiiq  lagula eegtay qarax miino iyo weerar toos ah oo ay fuliyeen dagaalyaano ka tirsan Al shabaab.

Maaamulka Hirshabeelle iyo kan gobolka shabeellaha dhexe wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay islamarkana ku aadan qaraxan miino ee haleelay gaari ay lee yihiin dad shacab ah.

Dadka u kala safra qeybo ka mid ah magaalooyinka jowhar iyo Muqdisho ayaa waxaa soo food saartay cabsi xoogan iyago ka cabsi qaba  inay wax yeelo ka soo gaarto qaraxyada miino ee lagu aasayo wadada dhinaceeda.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)