Advertisements
Advertisements

DHAGEYSO: Dib U Eegis Lagu Sameynayo Degmooyinkii Hiiraan U Magacaabay Cosoble

Talaado, Feb 13, 2018(HNN) Maamulka Hirshabeelle ayaa wada qorshe dib u eegis loogu sameynayo degmooyinkii uu horey u magacaabay madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble islamarkana ku yaala gobolka Hiiraan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose Maxamed Cali Caadle ayaa sheegay in ka hor inta aan la magacaabin degmo looga baahan yahay inay buuxiso shuruudaha laga rabo kadibna  ay soo jeediso wasaarada ariimaha gudaha Madaxweynaha u aqbalo islamarkana loo gudbiyo Xildhibannada baarlamaanka,isago sheegay in degmooyinkii u magacaabay Cosoble aan la horgeyn baarlamanka islamarkana hadda u socdo qorshe dib u eegis loogu sameynayo.

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble ayaa sannadkii tagay ka hor intan xilka laga tuurin degmooyin u magacaabay, Halgan, Ceel Cali, Farlibaax, Moqokori, Buur-weyn Buq-aqble, iyo Feer feer.

sido kale Cali Cabdulahi Cosoble ayaa markii xilka ay ka qaadeen baarlamaanka labo gobol u kala qeybiyay gobolka Hiiraan kuwaaso kala ah Hiiraan iyo shabeellaha Sare.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)