Advertisements
Advertisements

SAWIRRO: Madaxweyne Waare oo Qadar kala hadlay dardar galinta mashaariicda Horumarineed

Talaado, Feb 13, 2018(HNN) Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay  Safiirka Dowladda Qadar ee Soomaaliya Xasan Xamza Iyo Mas’uuliyiinta Hey’adda Qadar ee Dhiseysa Wadada isku Xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Kulanka ayaa waxaa goob joog kahaa Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ee dowladda federaalka  Jamaal Maxamed Xassan, xubno ka socda ha’yadda jidadka dowladda Qadar, waxana ay ka wad hadleen labad dhinac  sidi loo dardar galin lahaa Fulinta Mashruucan ay fulineyso Dowladda Qadar.

Maxamed Cabdi Waare  ayaa xusay in mashruucan u muhiim u yahay dadka reer Hirshabeelle islamarkana uga mahad celiyay dowladda  Qadar oo mashruucan horumarineed fulineysa.

Maamulka Hirshabeelle ayaa wada dadaalo lagu horumarinayo adeegyada bulshada sida dhismaha jidadka, dib u dhiska xaruumaha danta guud, iyo soo celinta adeegyada bulshada iyado  madaxweyne Waare u kulamo arintan looga hadlayo uu Muqdisho kula qaatay xubno ka tirsan ha’yadaha qaramada midoobay.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)