Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Ku Simaha Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Saraakiil kale oo gaaray Baydhabo

Arbaco, Feb 14, 2018 (HNN) Ku simaha taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax oo ay la socdan saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Bay.

Wafdiga saraakiisha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ee  shaati gaduud ku soo dhaweyay saraakiil ka tirsan ciidamada booliska AMISOM iyo kuwa Koonfur Galbeed.

ujeeda Safarka Saraakiishan ka tirsan ciidamada booliska ee maanta gaaray magaalada  Baydhabo ayaa salka ku haya sidi ay uga qeyb gali lahayeen shir u dhexeya booliska federaalka iyo kan Koonfur Galbeed kaaso socon doono muddo labo maalin ah islamarkana looga hadli doono xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa booliska federaalka iyo kan koonfur Galbeed Soomaaliya.

ku simaha taliyaha ciidamada booliska ahna taliye ku xigeenka booliska Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa lagu wada inu booqdo deegannada maamul goboleedyada ka jira dalka islamarkana kulamo u la qaato saraakiisha ciidamada  booliska.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)