Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Maamulka Cusub ee Gobolka Banaadir oo Munaasabad soo dhaweyn ah loo sameeyay

Arbaco, Feb 14, 2018(HNN) Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan xubnaha maamulka gobolka ayaa maanta qado sharaf  lagu soo dhaweynayo loogu sameyay magaalada Muqdisho.

Munaasabadan qado sharafta ayaa waxaa soo qaban qaabiyay bulsho weynta ku dhaqan gobolka Banaadir waxana ka qeyb galay xubno u ka mid yahay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi,duubabka dhaqanka Soomaaliyeed, Wasiiro,  xildhibaano kala tirsan labad gole ee baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xubnaha ka qeyb galay munaasabada ayaa soo dhaweyay madaxda cusub ee gobolka Banaadir islamarkana u horkacayo Eng Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa u mahad celiyay bulsho weynta gobolka Banaadir ee munaasbaadan soo qaban qaabisay iyo sida ay u garab tagan yihiin maamulkiisa.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)