Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Madaxda Hirshabeelle oo kormeeray deegano u ka guray Webiga shabeelle.

Arbaco, Feb 14, 2018(HNN) Tuulooyin ku teedsan jiinka webiga shabeelle islamarkana ku dhow magaalada Jowhar ee xaruunta maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa kormeer ku tagay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Xuseen, oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan maamulka, xubno ka tirsan maamulka gobolka shabeellaha dhexe iyo kan degmada jowhar.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali  Cabdulahi Xuseen Guudlaawe iyo xubnaha la socday ayaa kormeeray qeybo ka mid ah webiga shabeelle oo xiligan guray islamarkana biyo la’aan baahsan ay soo food saartay dadka beeraleyda iyo kuwa xoola dhaqatada ah.

Cali Cabdulahi Xuseen  ayaa xusay in  maamulka Hirshabeelle u diyaar u yahay inu kaalin ka qaato sidi biyo dhaameyn loogu sameyn laha dadkan , isago ka codsaday shacabka Soomaaliyeed  inay doorkooda qaataan.

Ugu dambeyntii Webiga shabeelle ee dhaxmara qeybo ka mid ah gobollada Hiiraan, Shabeellaha dhexe iyo shabeellaha hoose ayaa xiligan ka guray meelo ka mid ah saddexda gobol oo webiga shabeelle u maro, taaso ay sameyn ku yeelatay beeraleyda iyo xoola dhaqatada oo inta badan ku tiirsanaa.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)