Advertisements
Advertisements

DHAGEYSO: Ciidamada Booliska Galmudug oo shaqa joojin ku dhawaaqaaya ( Sababta)

Arbaco, Feb 14, 2018(HNN) Ciidamada Booliska ee ka howlgala deegannada  Maamulka Galmudug ayaa  sheegay in 48saac gudahood hadii looga soo jawaabi waayo cabashada ay qaban ay sameyn doonaan shaqo joojin.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa tilmaamay in dhowrkii sano ee la soo dhaafay  aysan helin  xaquuqdii ay la haayeen, sida mushaarkoodii, Gunadii, daryeel, dalacsiin, iyo waxyaabaha kale ee ay mudnaayeen, isla markaana  ugu baaqay  Madaxda sare Dowladda federaalka, Madaxda maamulka Galmudug iyo Taliska Booliiska Soomaaliya  inay wax ka qabtan cabashadooda.

Askar ka tirsan Ciidamadan  ayaa sheegay in  tiradooda ay gaareyso ilaa 570 Askari islamarkana tan iyo markii u tababarka uu magaalada Cadaado ugu soo xiray Generaal Xaamud aysan helin wax mushaarad ah.

Maamulka Galmudug iyo dowladda federaalka ayaa looga fadhiya inay wax ka qabtaan cabashada  ka soo yeertay ciidamada Booliska Galmudug.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)