Advertisements
Advertisements

Wafdi Ka Socda Midowgga Afrika Oo Qiimeyn U Tagay Muqdisho

Arbaco, Feb 14, 2018(HNN) Wafdi ka socda waaxda nabad gelyada ee Midowga Afrika ayaa booqasho ku jooga magaalada  caasimada ee Muqdisho, iyaga oo u kuurgalaya xaaladda ammaan ee Dalka iyo heerka uu gaarsiisan yahay wax qabadka ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga dalka iyo Millitiriga Soomaaliya.

Wafdigan oo ka kooban Toban qof ayaa dalka joogi doona muddo Afar Cisho ah, waxana ay kulammo kala duwan la yeelan doonaan saraakiisha ugu sarreysa AMISOM, xafiiska taageerada Soomaaliya ee UNSOS iyo wakiillada waddamada ay Soomaaliya ka joogaan Ciidamada ee TCC loo yaqaan.

Xubnahan  ayaa  Socdaalkooda  diiradda ku saari doonaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin hawlaha nabad-ilaalinta, guulaha la gaaray , caqabadaha ka jira Soomaaliya iyo sidii ay masuuliyadda ammaanka dalka ula wareegi lahaayeen Ciidamada qalab ka sida ee dalka.

Bisha sedaxaad ee sanadkaan ayaa lagu wada  in magaalada Muqdisho ay ku kulmaan Ururka Midowga Afrika, madax ka socota wadamada ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo Madaxda ugu sareyso dowlada Soomaaliya,  iyado shirkaas looga hadli doono ariimo dhowr ah.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)