Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Ciidamad dowladda oo gubay gadiid lagu diyaarinayay qaraxyo

khamiis, Feb, 15, 2018(HNN) Howlgal Ciidamada dowladda federaalka   ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka shabeellaha hoose ayaa  lagu gubay gadiid lagu diyaarinayay waxyabaha qarxa.

Ciidamada dowladda ayaa howlgalka  ka fuliyay Deegannada  kala ah Aw-dhegle, Mubarak iyo Dar Salam halkaaso al shabaab ay ku diyaarinayeen  gadiidkan si ugu fuliyaan weeraro ismiidaamin ah.

Howlgalkan ayaa lagu qabtay sida ay sheegeen Saraakiisha ciidamada 4 gadiid ah kuwaaso ay ku rarnayeen qaraxyo.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan mid ka mid ah hor joogayasha Al shabaab kaaso gacanta ku hayay gadiidkan.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)