Advertisements
Advertisements

Xarunta Golaha Shacabka oo lagu dhisaayo lacag dhan $100 Milyan

Talaado, Marso 6, 2018 (HNN) Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in dhawaan dib u dhis lagu sameyn doono Aqalka Golaha Shacabka.

Gudoomiye Jawaari, ayaa sheegay xarunta Golaha Shacabka inay tahay madal sharafeed ay ku shaqeeyaan xubnaha Baarlamaanka Somaliya, isaga oo ay ka muuqato marxalad bur bur xooggan ah.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa yiri “Gurigaas waa guri sharaf leh, magaciisa waxaa la yiraahdaa Golaha Ummadda, wuxuuna mudan yahay in uu yeesho guri u dhigma (meeqaamkiisa) oo magaalo madaxda ka dhex muuqda, lacag badan ayuu u baahan yahay, waxaa is weeydiin mudan sababta aan u dhex fadhino isaga oo jajaban”.

Jawaari ayaa intaasi ku daray in xikmaddu tahay in maadaamaa ay dadka burburiyeen, in ay ku waano qaataan, maalin kastana ay xusuus u noqoto marka ay burburkiisa arkaan, si aanan markale loo burburin, isaga oo xusay in sida gurigaas uu u burburay, dadkuna maskaxdooda u burburtay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in bilowga sanadka soo socda dhisme lagu bilaabi doono xarunta Golaha Shacabka.

“Biloowga sanadka soo socda dumis ayaa lagu bilaabaa, lacag badan ayuu u baahan yahay, wajiga koowaad oo kaliya waa $60 milyan oo doolar, 7 dabaq ayuu noqonayaa oo Xildhibaan kasta uu xafiiskiisa gaarka ah leeyahay, oo labada aqalba ay galayaan, shirarka adduunkana lagu qabanayo, illaa 100 milyan waa gaaraa, hadda ma hayno lacag, balse alle mahadiis dowladda Turkiga ayaa ogolaatay in ay bixiso.” ayuu yiri Prof Jawaari.

 

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)