Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Dhalinyarada Hiil-deegaan oo biyo dhaameyn ka sameeyay Baladweyne

khamiis, Marso 8, 2018(HNN) Xili hoos u dhac weyn uu ku yimid biyaha webiga shabeelle ee dhaxmara magaalada Baladweyne iyo qeybo ka mid ah gobolka  islamarkana uu is badalay midbadka iyo dhadhanka biyaha webiga  taasoo sameyn ku yeelatay dadka danyarta  oo aan awoodin inay iibsadan biyo nadiif ah ayaa waxaa maanta biyo dhameyn u sameyay dhalinyarada Hiil deegan oo ah dhalinyaro iskood isku xilqaamay.

Qoysas dan yar ah oo ku jira kaamka doomey oo ku yaala xaafadda Bundo weyn ee magaalada Baladweyne ayaa ka faa’ideystay biyo dhameyntan iyago u mahad celiyay dhalinyarada Hiil deegan.

Faarax Muxumed Xirane  oo ka mid ah dhalinyarada Hiil-deegan ayaa sheegay in ololahan biyaha dhameynta uu yahay mid iska wax u qabso ah islamarkana door weyn ay ka qaateen  Dr Xassan Cumar Siyaad iyo Madaxa Shirka korontada Dayax Cabdiraxmaan Saney Garaad (Keynaan).

Madaxa shirkada korontada Dayax ee magaalada Baladweyne Cabdiraxmaan  Saney Garaad( Keynaan) ayaa ugu baaqay ganacsatada, jaaliyadaha iyo cid kaste oo wax heysta inay ka qeyb qaatan biyo dhameyntan loo sameynayo dadka danyarta kuwaasoo aan awoodin inay biyo nadiif ah iibsada.

Dhalinyaradan Hiil-deegan oo ka shanaya shaqsiyaad magaalada Baladweyne caan ka ah ayaa horey  biyo dhameyn uga sameeyay kaamanka  ku yaala xaafaddaha magaalada Baladweyne.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)