Advertisements
Advertisements

Hirshabeelle Oo Jowhar Ku Xirtay Ganacsato U Socotay Al shabaab

Axad, Marso 11, 2018(HNN) Ciidamada booliska Hirshabeelle ee magaalada Jowhar ayaa xabsiga dhigay ganacsato u socotay kooxda Al shabaab kuwaasoo u yeeray.

Ganacsatada ayaa laga soo qabtay koontaroolka dhanka galbeed ee magaalada Jowhar xiligaas oo ay doonayeen inay tagan deegannada hoos taga magaalada islamarkaana ay ku sugan yihiin Al shabaab.

Kooxda Al shabaab ayaa lagu waramayaa inay u yeereen ganacsatada  magaalada islamarkaana  ay ku amreen  inay yimadaan deegannada ay ka taliyaan ee ku yaala gobolka shabeellaha dhexe.

Maamulka Hirshabeelle ayaa horey ganacsatada iyo shacabka  ku sugan magaalooyinka uu ka taliyo maamulka ku amray inaysan tagi karin deegannada ay joogan kooxda Al shabaab iyadoo ganacsato tagtay deeganka Gamboole ee duleedka Jowhar dhawan xabsiga la dhigay inkastoo markii dambe la sii daayay.

Hirshabeelle ayaa ka codsatay dowladda federaalka inay gacan ku siiso sii deegannada ay ka joogan  gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe looga saari lahaa.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)