Advertisements
Advertisements

Soomaliland oo ku dhawaqday in si KMG ah u joojisay wada hadalii kala dhexeyay Dowladdda Federaalka

Axad, Marso 11, 2018(HNN) Maamulka Soomaliland ayaa ku dhawaqay in si KMG u joojiyeen wada hadaladii iyaga iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo qorshihiisa ahaa in dhamaadka bishan uu dib u furmo.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in muddo bil ay hakiyeen wada hadadalada, isla markaana ay ka fiirsan doonaan in dib loo furo iyo in kale.

“Waxaa dib u dhigtay wada hadalkaa, waqti xaadirkaan ma jirto duruuf saamaxeysa in aysano wada hadal galno, muddo bil ayaa dib u dhignay wada hadaladii”ayuu yiri Sacad Cali Shire.

Tan iyo sanadkii 2015 ma jirin wax wada hadal ah oo dhex maray labada dhinac, iyadoo wada hadalkii ugu dambeeyay uu ka dhacay dalka Turkiga.

 Xiisada ka dhalatay heshiiskii saddex geesoodka ee Dekeda Berbera, kaasoo ay galeen Itoobiya, Somaliland iyo DP World, ayaa xii xoogeystay  iyadoo dowladda Federaalka ay ka soo horjeesatay heshiiskan, isla markaana dacwad ka gudbisay Jaamacadda Carabta.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)