Advertisements
Advertisements

AKHRISO: Xeerka Shirkadda DP World looga mamnuucaayo Soomaaliya

Isniin, Marso 12, 2018 (HNN) Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan uga socdo xaruntooda  ayaa Ansixiyay xeer dhowraya  gobanimada iyo midnimada geyiga Soomaaliya.

Xeerkaan oo dhowr qodob ka kooban ayaa lagu eedeeyay  Shirkadda DP-World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta inay si bareer ah ugu xadgudubtay siyaasadda, madax banaanida iyo Midnimada Soomaaliya, iyadoo gebi ahaanba dalka laga mamnuucayo Shirkada DP-World.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Sheegay xeerka loo cuskanaayo Shirkadda DP-World uu yahay midka ilaalinta Gobonimada iyo Madaxbaanida Soomaaliya.

Xeerkaan ayaa waxaa ku xusan in xukuumadda Soomaaliya laga doonaayo in ay si deg deg ah u horkeento Baarlamaanka howlgallada laga qaadayo Shirkadda DP-World.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO,


Fikradaha Akhristayaasha (0)