Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Madaxweyne Waare oo kulan la qaatay danjiraha Midowgga Afrika iyo qodobo laga wada hadlay

Arbaco, Marso 14, 2018(HNN) Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay danjiraha midowgga Afrika  ee Soomaaliya Francisco Madeira oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM oo uu ka mid yahay taliyaha ciidanka AMISOM  Gen. Jim Beesigye Owoyesigire.

labada dhinac ayaa ka wada hadlay  qaabka ugu haboon ee looga wada qeyb qaadan karo dagaalka ka dhan ah kooxda Al shabaab islamarkaana wax looga qaban lahaa amaan darrada ka jirta inta u dhexeya Jowhar iyo Balcad.

Madera ayaa sheegay in maamul goboleedyadda dalka looga baahanyahay in ay kaalin Libaax ka qaatan dagaalka lagu jiro Al-shabaab, wuxuuna xusay in ay maamuladdua ay mas’uuliyad iska saaraan sidii ay goboladooda Al-shabaab uga xoreeyn lahaayeen.“Waxaan ka wada hadalnay faahfahinadda kala guurka waxaana isla aragnay in kala guurku uu adkeeyn u bahanyahay iyo muhiimadda ay leedahay in wadooyinka muhiimka ah ay furan ciidamadda AMISOM iyo kuwa Soomaaliya” ayaa lagu yiri war uu soo saaray Faransico Madera.

maamulka Hirshabeelle ayaa xiligan wajahaya culeys uga imanaya kooxda Al shabaab kuwaasoo weeraro iskugu jira qaraxyo iyo mid toos ah ka geystay deegano ka tirsan Hirshabeelle gaar ahaan gobolka shabeellaha dhexe islamarkaana dhawan qabsaday magaalada Balcad inkastoo markii dambe ay iskaga bexeen.

Xigasho Sawirada AMISOM.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)