Advertisements
Advertisements

Mooshinki Gudoomiye Jawaari oo Burburay

Arbaco, Marso 14, 2018 (HNN) Mooshinkii laga keenay Guddoomiyaha kobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa burburay kadib markii tiradii loo baahna tiro ka yar ay soo gudbisay Mooshin.

Guddiga joogtadda ah ee Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku raacay inuu sharci ahayn Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Sida sharciga ah Mooshin waxaa soo qori kara oo keeni kara Xildhibaano gaaraya 93 Xildhibaan sidaas darted ayay guddigu sheegeen in la waayay tirade saxda ah ee loo baahnaa in Mooshin lagu keeno.

Maahan markii ugu horeysay ee Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya aay Mooshin ka kenaan madaxda ugu sareeysa dalka.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)