Advertisements
Advertisements

Akhriso: Agaasimayaasha Nabad sugidda iyo Sirdoonka Puntland oo xilka laga qaaday

Arbaco, Juun, 13, 2018(HNN) Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xilka looga qaaday Agaasimayaashii Hey’addaha Nabadsugida iyo Amniga iyo Sirdoonka ee loo yaqaano PSS iyo PIA.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Gaas ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa xilka looga qaaday C/risaaq Ciise Xuseen (Khaatumo) oo ahaa Agaasimaha Sirdoonka Puntland PIA oo qaabilsan la dagaalanka Argagixisada.

Sidoo kale waxaa xilka laga qaaday C/llaahi Aadan Maxamed oo isna ahaa Agaasimihii Guud Hey’adda Nabadsugida Puntland PSS

Wareegtada ayaa lagu sheegin cida loo magacaabay xilalkaas, waxaana wareegtada ay ku koobneyd kaliya xil ka qaadis.

Labada Hey’addood ayaa ah kuwo awood ku leh Puntland, isla markaana leh ciidamo si gaar ah u tababaran oo taageero ka hela dalal shisheeye.


Fikradaha Akhristayaasha (0)