Advertisements
Advertisements

DEG DEG: Nin ka tirsanaa Al shabaab oo lagu toogtay magaalada Baladweyne

Arbaco, Juun, 13, 2018(HNN) Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay toogteen nin ka tirsanaa Al shabaab oo weerar ku qaaday askar ka tirsan ciidamada.

Ciidamada dowladda ayaa ninkan ku toogtay xaafadda howlwadaag ee magaalada Baladweyne ka hor inta usan dhaawicin askari ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Carab Yuusuf Nuur oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa Hiilnews u sheegay in ciidamada ay toogteen ninkan kadib markii uu dhaawacay askari ka tirsan ciidamada.

Ciidamada dowlada  ayaa sannadkii 2013-kii gacanta ku dhigay nin ka tirsanaa ururka Al shabaab oo dil magaalada Baladweyne ugu guuleystay guddoomiyihii golaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan iyadoo markii dambe dil toogasho ah lagu fuliyay.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)