Advertisements
Advertisements

Abaandulihii hore ee ciidamada xoogga dalka oo ku geeriyooday london

khamiis, Juun, 2018(HNN) Allaha unaxariiste waxaa magaalada Lodon ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskii, Eheladii, Asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka.

Generaal  Cabdiwali Jaamac Gorod, ayaa Alle uga baryey Marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, wuxuuna Eheladiiii, Asxaabti iyo qaraabadii uu ka tagayna Rabbi ugu baryay inuu samir iyo iimaan ballaaran ka siiyo.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in meydka marxuumka la keenayo magaaladda Muqdisho, si aas qaran loogu sameeyo.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa tacsi u diray Qoyskii, Eheladii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar.


Fikradaha Akhristayaasha (0)