});

Akhriso: Maalinta iyo saacada la ciyaari doono Finaalka Koobka Adduunka

khamiis, July, 12, 2018(HNN) Croatia ayaana la ciyaaraysa Final-ka koobka adduunka xulka qaranka France oo xalay guul ka gaaray Belgium.

Kulanka kama danbaysta koobka adduunka ayaa la ciyaarayaa Axada taariikhduna ku beegan tahay 15-ka July, saacaduna tahay 6-da maqribnimo ee waqtiga bariga Afrika.

France ayaa doonaysa ku guulaysiga koobka adduunka markii labaad ee taariikhda, halka Croatia ay raadinayso markeedii koowaad.

Croatia ayaa caawa  2-1 uga badiysay xulka ingiriiska.


Fikradaha Akhristayaasha (0)