});

DHAGEYSO: Dowladda Federaalka oo wada qorshe lagu xalinayo muranka ka tagan arrimaha xajka

Jimco, july, 13, 2018(HNN) Ku simaha Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ahna wasiiru dowlaha wasaaradda Mudane C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa faah faahin ka bixiyey halka uu marayo qorshaha Sanadkaan ee Xajka,taas oo khilaaf uu ka dhex jiro.

Cabdixakiin ayaa sheegay in Sacuudiga uu u tegay dardargelinta howlaha Xajka,iyo xaqiijinta qarashii la dhimay ee dadka Soomaaliyed ay Sanadkaan ku xajinayaan,xilli ay jirto khilaaf sababay in xilkiisa uu ku waayey Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Wasiir Ashkir,ayaa sidoo kale sheegay iyadoo ay iskaashanayaan wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Shirkadaha Diyaaradaha in maalinta Axada ah ee soo socota ay gudbin doonaan jadwalka Duulimaadyada Xujayda, ka dibna ay bilaaban doonaan duulimaadyada dadka Soomaaliyeed ay ku tagayaan Wadanka Sacuudiga si ay u soo gudtaan Acmaasha Xajka.


Fikradaha Akhristayaasha (0)