Qaramada midoobay oo walaac ka muujisay isku dhacyada Muqdisho

0
49

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsantahay isku dhacyadii shalay iyo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay, ayaa loogu baaqay dhammaan dhinacyada oo dhan, in ay muujiyaan is xakamayn, si looga baaqsado in isku dhacyadu sii socdaan.Qoraalka oo ay ku shaaciyeen bartooda Facebook ayaa waxa ay u dhigeen sidaan.

” Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn, Rabshaddu xal uma ahan is mariwaaga siyaasadeed ee hadda taagan. Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si dhaqso ah dib ugu bilaabaan wadahadal degdeg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here