Dab ka kacay isbataal ku yaalla Baqdaad oo ay dad ku dhinteen

0
44

Ugu yaraan 23 qof ayaa ku dhimatay dab ka kacay isbitaal lagu daweynayay bukaanada feyriska Corona o ku yaalla caasimada Ciraaq, Baqdaad.

Toboneeyo kale ayaa ku dhaawacmay dabka oo ka kacay isbitaalka Ibnu Khatib.Inta badan bukaanada ayaa dhintay ka dib markii laga saaray mashiinadii ka saacidayay neefsashada,Wararka ayaa sheegaya in shilkan u ka dhashay mid ka mid ah haamaha oksijiinta oo qaraxday ka dib-na uu dab ka dhashay .

Muuqaalo fiidiyoow ah oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya shaqaalaha dabdamiska oo la daalaa dhacaya daminta dabka dadkuna ay ka cararayaan dhismaha.Raiisel wasaaraha Ciraaq Mustafa al-Kadhimi ayaa ku baaqay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo sababaha ka dambeeyay waxa uu ugu yeeray”dhacdadan naxdinta leh”.Madaxa Difaaca Madaniga ah ee Ciraaq, Sarreeye Gaas Kadhim Bohan, ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in dabka uu ka kacay qeybta daryeelka degdegga ah ee isbitaalka.Illaa iyo hadda, shaqaalaha gurmadka degdegga ah waxay badbaadiyeen 90 ka mid ah 120 bukaan, sida ay qortay wakaaladda wararka ee INA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here