Faah Faahin ku saabsan dagaallo ka dhacay Muqdisho iyo xiisad wali ka taagan.

0
58

Waxaa sii xoogeysanaya dagaal culus oo caawa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka bilowday gelinkii dambe ee maanta iyadoo dagaalkuna uu ku sii fiday degmooyin horleh.

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Farmaajo iyo ciidamo kasoo horjeeda muddo kororsiga Farmaajo.

Aagga dagaalka uu ka bilowday ayaa waxaa hoy ka sameystey dhowaan musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa Facebook soo dhigey qoraal uu ku sheegayo in hoygiisa ay soo weerareen ciidamo ka amar qaata Farmaajo.

“Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada.

Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo.”ayuu ku yiri qoraalka.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray “Waxa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga. Waxaan horay ugu digay kuna celinayaa khatarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here