Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal ka dhacay Bariga Jowhar iyo dowlada oo ka hadashay

0
128

Muqdisho(HNN)- Dagaal xoog leh oo u dhexeeya ciidamada dowlada federalka iyo Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa ka dhacay deegaano dhinaca Bari ka xiga magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal xoogan oo ka dhacay halkaas uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in lagu diley qaar ka mid ah ciidamada dowlada  oo uu ka mid ahaa taliyihii ururka lixaad ee ciidamada Gorgor Maxamed Cabdiwaaxid.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada federalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in dagaalka ay guul ka gaareen ciidamada qalabka sida isagoo u hambalyeeyay.

“Waxaan u hambalyeynayaa ciidamada xoogga dalka oo jabka   gaarsiiyay  argagaxisada alshabaab dagaal ka dhacay maanta inta u dhexeysa deegaanada jilaab iyo lebi buraale waxaan rajeynayaa in alle uu garabkiina istaago,waana idin garab taaganahay oo sii wado howlgalada aad ka wadaan dalka.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay ka wadeen howlgalo deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe iyadoo howlgaladaana uu horkacayo taliyaha ciidamada xoogga dalka General Odowaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here