Garoonka Baladweyne oo maanta xirnaa iyo sababta.

0
56

Duulimaadkii garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne ayaa hakad ku yimid kadib markii roobabkii Guga ay ka curteen gobolka Hiiraan islamarkana daadad ka soo rogmaday waadiyaasha buuraha ku dhow garoonka ay dhax fadhisteen qeybta ranweyga ee diyaaradaha ku ordan.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif Odowaa Aamiin Jamaac ayaa Hiilnews u sheegay in biyo ay fadhisteen qeybta ranweyga ee diyaaradaha ay ku ordan.” Maanta wax duulimaad ah kama soo degin garoonka kamana bixin waxaa sameyn ku yeeshay roobabkii Guga oo ka curtay Baladweyne, qeybta diyaaradaha ku ordan ee Ranweyga ayaa biyo fadhisteen.”ayuu yiri maareeyaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif Odowaa Aamiin Jamaac.Marka la gaaro xili roobaabka ayaa waxaa markasta hakad ku yimada howlaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif iyadoo dadka ka safra Baladweyne ama imaanaya ay aadaan garoonka diyaaradaha magaalada Guriceel oo qiyaastii Baladweyne u jira 116 KM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here