Guddoomiyaha xaafadda buundo weyn ee magaalada Baladweyne Saado Xassan Macalin iyo ururka dhalinyarada isxilqaan ayaa si wada jir ah olole nadaafadeed uga sameeyay goob lagu shubo qashinka oo ku taalla agagarka qabuuraha xaafadda Buundo weyn islamarkana ku dhagan ceelka Cismaan Cagey.
Xubnahan ayaa qashinka la soo dhigay halkan gubay si looga taxadiro caafimaad darada ka dhalan karta qashinkan.
Warbixintan waxaa noo haya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.