Puntland, Midowga Musharixinta, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo soo dhaweeyay

0
75

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay go’aankii Madaxweyneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ay uga soo horjeesteen muddo kordhinta labada sanno ee loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

Qoraal ka soo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa go’aan geesinimo leh ku tilmaamay mowqifka saddexda maamul Goboleed ka qaateen muddo kororsiga.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayey Musharaxiinta uga digeen in Ciidamada Qalabka Sida uu u adeegsado danahiisa siyaasadeed, iyagoona ugu baaqay inay ka waantoobo arrintaas.

Dhinac kale Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed waxay soo dhaweynayeen Warmurtiyeedyada ay soo saareen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Galmudug iyo Hirshabelle ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa kaloo ay sheegeen in ay ka xun yihiin dhacdooyinka amni darro ee ka dhacay magaalada Mogadishu maalmihii la soo dhaafay, waxayna uga tacsiyeynayeen cid kasta oo waxyeelo ka soo gaartay, waxayna sidoo kale guud ahaan ciidamada amniga ugu baaqeysaa in ay illaaliyaan amniga iyo xasiloonida Dalka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here