Victoria oo kaalmo u ballanqaaday ganacsiga ay saameysay xayiraadda COVID-19

0
37

Dowlad Goboleedka Victoria ee dalka Australia ayaa ku dhawaqday inay siineyso dhaqaalo ganacsatada yar yar iyo kuwa dhexe ee uu saameyay xayiraaddii gobolka lagu soo rogay tan iyo todobaadkii hore si dhaqaalahooda aanu hoos ugu dhicin.

Dhaqalaha lagu kabayo ganacsatada yaryarka ayaa gaaraya 250 malyan taasoo ay ka faa’ideysan doono dadka iska leh 90 kun oo ganacsi.

Ganacstada yaryar ee lagu kabi doono dhaqaalahan ayaa waxaa ka mid ah maqaayadaha yaryarka, iyo tukaannada yaryar kuwaasoo sameyn kala kulmay xayiradaha lagu soo rogay gobolka.

Dowlad goboleedka Victoria ee dalka Australia ayaa dhowr jeer xayiradood lagu xakameynayo cudurka karona feyris ku soo rogtay gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here