Advertisements
Advertisements

DHAGEYSO: Askari ka tirsan Ciidamada dowlada oo lagu dilay Baladweyne & howlgalo socda

Jimco, jan 12 ,2018(HNN) Askari ka tirsana Ciidamada dowlada ee gobolka Hiiraan ayaa caawa lagu dilay meel aan ka fogeyn fariisin Ciidamada dowlada ku lee yihiin Xaafadda Bundo weyn ee Magalaada Baladweyne.

Dilka Askarigan ayaa la sheegay inay geysteen kooxo hubeysan islamarkana ay ka baxsadeen goobta ka hor inta aysan tagi Ciidamada dowlad.

Madaxa howlgalada Ciidamada Booliska Magalaada Baladweyne  Carab Yuusuf Nuur ayaa Hiilnews u sheegay in lagu dabo joogo kooxihi ka dambeyay dilkan islamarkana gacanta lagu soo dhigi doono.

Askarigan Caawa lagu dilay Xaafadda Bundo weyn ayaa ka tirsana Ciidamada Asluubta ee Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyntii Xaafadda Bundo weyn ee Magalaada Baladweyne ayaa dhowr  mar ooh ore lagu dilay Askar ka tirsan Ciidamada dowlada kuwaaso aysan jirin cid loo soo qabtay dilkooda.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)