Advertisements
Advertisements

Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo ka tagay Baladweyne oo gaaray dhuuso-mareeb

Sabti, jan 13, 2018(HNN) Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM islamarkana ka socda dalalka  Jabuuti iyo itoobiya oo maanta ka ambabaxay Magalaada Baladweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan ayaa gaaray Magaalada dhuuso-mareeb ee caasimada Maamulka Galmudug.

hadafka Ciidamadan ay u tageen Magalaada dhuuso-mareeb ayaa la sheegay inay tahay sidi ay u sugi lahayeen amaanka Magalaada inta lagu guda jiro booqashada Madaxweynaha dowlada Federaalka Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo ku marayo qeybo ka mid  ah deegannada Galmudug gaar ahaan Caasimada dhuuso-mareeb.

 

Ciidamada AMISOM ee ka socda dalalka jabuuti iyo itoobiya ayaa wata gadiidka dagaalka kuwaaso lagu wado in lagu wareejiyo amaanka goobaha u booqan doono Madaxweynaha.

Amaanka Magalaada dhuuso-mareeb ee caasimada Galmudug ayaa aad loo adkeyay iyado Ciidamo la dhigay  daafaha laga soo galo Magalaada.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)