Advertisements
Advertisements

DAAWO VIDEO: Xildhibaano kulan Xasaasi ah la qaatay odaydhaqameed Baladweyne

Sabti, Jan 13 ,2018(HNN) Xildhbaano kala tirsan labad gole ee dowlada Federaalka ayaa maanta kulamo wadatashi ah la qaatay  qaar ka mid ah Waxgaradka Gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulanka ayaa lagu gurfeyay sidi wax looga qaban laha Amaanka,dhaqaalaha,Caafimaadka iyo dhibaatooyinka heysta bulshada ku nool Magalaada Baladweyne oo ay ugu horeyso lacagta shilinka Somaliga oo muddo aan laga isticmaalin Magalaada Baladweyne.

Xildhibaan khaalif Cabdi Cumar,Xildhibaan Yusuuf Xuseen Axmed,Senater Cismaan Axmed Macow, Faadumo Faarax Ibraahim iyo Xildhibaan Daahir Amiin jeesow ayaa sheegay inay ka xildhibaano ahaan ay diyaar u yihiin inay door ka qaatan  sidi wax looga qaban laha baahiyaha ka jira gobolka Hiiraan islamarkana dadka reer Hiiraan looga bahan yahay inay gacmaha is qabsadan.

Ugu dambeyntii Xildhibannadan  ka kala tirsan labad gole ee dowlada Federaalka ayaa lagu wada in inta ay joogan Magalaada Baladweyne kulamo gooni gooni ah iyo mid guud ay la qaatan waxgaradka beellaha dega gobolka Hiiraan islamarkana ay kala hadli doonaan xoojinta midnimada dadka reer Hiiraan.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)