});

Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay qaar ka mid ah Wasiirada Cusub

Sabti, jan 13, 2018(HNN) Golaha Wakiilada soomaaliland ayaa maanta ansixiyay qaar ka mid ah Golaha wasiirada ee soomaaliland, 10 wasiir iyo 12 wasiir ku xigeen oo ka tirsan xukumada cusub ee madaxweyne Muusa biixi Cabdi ayaa maanta cod gacan taag ah Waxaa u qaaday Golaha wakiilada ee soomaaliland.

Wasiiradaan maanta hortagay golaha wakiilada soomaalialnd ayaa ah kuwa hada la wareegay xafiisyadooda.

Maalmaha soo socda ayaa la filyaa in Golaha wakiilada la hor keeno qaar kale oo ka tirsan Golaha wasiirada soomaaliland.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)