Advertisements
Advertisements

(DAAWO) Maamulka Hiiraan: Cid aan u dhalan Gobolka shaqo lagama siin karo ha’yadaha Samafalka kadib cabasho ka timid dhalinyarada Hiiraan

Axad, jan 14, 2018(HNN) Magalaada Baladweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa kulan ku yeeshay Aqoonyahano , dhalinyaro iyo haween , kuwaaso maamulka Gobolka Hiiraan ka dalbaday in wax laga qabto  shaqo la’aanta heysta dhalinyarada maadaam inta badan ay sheegeen in ha’yadaha ka howlgala gobolka ay ka shaqeeyan dhalinyaro kala timid gobolka waqooyi bari keny iyo gobollada kale.

Dhalinyarada ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in dhowr mar ha’yadaha ka howlgala gobolka ay u gudbisteen codsi balse aan looga soo jawabin islamarkana shaqo u qaban karo qof kale looga keeno deegan ka baxsan Gobolka Hiiraan.

isku duwaha Wasaarada Caafimaadka Maamulka Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan ahna Agaasiimaha isbitaalka Baladweyne Axmed Maxamed khaalif ayaa sheegya in sababta ugu weyn ee dhalinyarad ku kalifta inay tariiban ay tahay shaqo la’aanta islamarkana mararka qaar keenta inay ka mid dadka falalka aamaan darro ka geysta dalka sidaasi darteed Maamulka looga bahan yahay inu wax ka qabto cabashada ay qaban dhalinyarada ee ah in shaqo ay qaban karan qof kale looga keeno deegan kale.

Xoghayaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdulle Nuur guuleed  oo ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in ka  maamul ahaan ay wax ka qaban doonaan islamarkana dib dambe aysan u dhici doonin in shaqo ay qaban karan dhalinyarada gobolka Hiiraan dhalinyaro kale looga keeno gobollada kale.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)