Advertisements
Advertisements

Saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowlada oo ku dhawacmay qarax lagula eegtay Muqdisho

Axad, jan 14, 2018(HNN) Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowlada ayaa ku dhawacmay qarax miino oo  gaari ay sarnayeen lagula eegtay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Qaraxa Miinada ayaa Waxaa la sheegay in la dhigay Wadada dhinaceeda,islamarkaana uu haleelay gaariga Cabdi Bile oo  ay saarnaayen askarta ka tirsan militiriga Dowlada Soomaaliya.

Goobjoogayaal ku sugan Haanta Dheer  ayaa sheegaya in ay maqleen jug culus,islamarkaana ay arkeen Qiiq iyo uuro ka baxaysa goobta,halkaasina uu yaalay gaari ciidan.

Ugu dambeyntii Maamulka Degmada Deyniile iyo Saraakiisha laamaha Amaanka ayaan weli faahfaahin ka bixinin Qaraxa Miino ee lala beegsaday Askarta ka tirsan Militiriga Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)